Qormaddii 2aad
Goormay ku waajibtaa Sakaddu Maalka guud ahaan?
Shuruudahan hoos ku xusni marka laga hello Maalka ayay ku waajibaysaa
Sakaddu; iyadoo aynu tilmaami doono Maalka qaar in shuruudo dheeraad ah loo
raacin doono qaarna laga aan looga baahnayn inay laga wada hello.
Shuruudahan waxa ay ku kooban yihiin Ganacsigga iyo Lacagaha (Dahab
iyo Lacagba):
- Lahaansho Dhamays tirin.
Qofka hantiilaha ah waa inuu u maddax banaan yahay Maalkiisa; kuna
taggri falli karo siduu doono intii Shareecadu u banaysay.
Isla markaana waa inaanu Hantiiluhu ama Mulkiiluhu ka maqnayn
Hantidiisa marka Sakadda laga qaadalyo, ama aanu ahayn qof aan meel uu ku
suggan yahay aan la ogayn, waxaan kugu dalaliina xaddiis nabigu ku shegay oo
ahaa (لازكاة في الضمار).
2. Inu jiro koboc dhabba iyo koboc Taqdiiri ah (qiyaas ah).
Koboca dhabta ah waa sidda Ganacsigga oo
kale ama tarranka xollaha nool.
Koboca Taqdiirigga ah ama qiyaasiga ah waa
sidda Dahabka oo kale ama Lacagta ku timaada (exchange)
3. Inuu gaadho Nisaabkii (xaddiga sharcigga ah).
Nisaabku waa arin aad u muhim ah oo la
doonayo inu qofku mar walba niyadda ku hayo ama uu xasuusnaado. Waayo waa meesha
qof kastaa ka ogaan karo in Hantiddisa Sakko lagu leeyhay iyo in aan lagu
laayn.
Haddaba Nisaabkan waxaynu u kala saari
donaa dhawr qaybood oo uu Maalku ka kooban yahay:
a) Ganacsigga, Dahabka iyo Lacagta: Lacag markaan leeyahay waa Lacagaha kaydka
ah ee dadka meel u yaal, haddaba ganagsigga, Dahabka iyo Lacagtuba waxay ku
sakawbaan mark ay gaadhaan 85gram oo Dahab ah naaca 24ka sannadna kaso wareego.
Nisaabka waxaa dhaabad addag ama mus-dambeed u ah Dahabka, Somaliland oo kale
1gram ee dahabka nooca 21ka ah wuxu ka marayaa suuqa Hargaysa $52.
b) Dalagga iyo Saraca: wixii dhulka kaso baxa ee dalagga ama Sarac ah wuxuu
noqonayaa Nisaabkoodu 653kg.
c) Xoolaha Nool: xoolaha nooli oo ka kooban Geel, Lo’ iyo Adhi wuxuu
nisaabkoodu noqdaa sedan:
·
Geela: hadii uu gaadho 5 neef sannadna kaso
wareego.
·
Lo’da: hadii ay gaadho 30 neef sannadna
kaso wareego.
·
Adhi: hadii uu gaadho 40 neef sannadna
kasoo wareego.
d) Macddanta: macaddanta dhulka laga qodo hadii ay gaadho 85gram oo dahab
ah qiimo ahaan, qasab maaha macdan tu inay noqoto Dahab laakin qiimah 85gram
ayay ku sakoobaysaa, sannad inuu kasoo wareego loo qaban maayo, markaas uunbaa
la ga bixinayaa.
e) Rukaaz ka; Rukaasku waa kaydadkii umadihii hore ee dhulka laga soo faqo,
isago malaha Nisaab iyo inuu sannad kaso wareego, intaa laga soo faqay ayaa
laga bixinayaa 20%.
4.
Waa in Quutal Daruurigga ama baahiddada
gaarka ah ka baxsan yahay:
Waxaa loo
jeedaa in aanu Maalka sakoobayaa aanu noqon Hantidda ma-guurtadda ah (Fixed
Asset) sida gurriga aad gasho, Gaadhiga aad u addegsato, qalabka warshaddu ku
shaqo, qalabka waraabka beeraha, ama waxa loo qayaan Fixed Assets.
5.
Waa in Sannad kasoo wareega Hantidda la
Sakaynayo :
Marka laga reebo Dalagga iyo Rukaas ka:
Sannadkii hal mar ayaa la ogol yahay in laga sakeeyo Maalka, lama ogola in la
goor ama laba siyabood hal Hanti laga qaado. Xadiis shariif ah baa ahaa
متفق عليه. . ((لاثنى في الصدقة
Sannadkii Maalka waxaa laga qaadayaa 2.577 % hadii uu Hantiiluhu
isticmaalo Gregorian Calendar (sannadka miilaadigga), Hadii kale oo uu
Mulkiilha maalku isticmaalo Sannadka Hijjirgga waxaa laga qaadayaa 2.5 %.
Faraqa waxaa keenay labada sanno oo is dheer 7 cisho. (365 cisho – 358 cisho).
Qormadda xiggta waxaynu kusoo qaadan doonaa; Side looga Sakeeyaa
Lacagaha iyo Dahabka?Laakin goormay ku waajibtaa?
No comments:
Post a Comment